HIDDO-SIDE: Diiwaanka Hees-dhaqameedka Soomaalida: Diiwaanka Hees-dhaqameedka Soomaalida (Afrikaans Edition)

CreateSpace Independent Publishing Platform
SKU:
9781973711025
|
ISBN13:
9781973711025
$21.83
(No reviews yet)
Condition:
New
Usually Ships in 24hrs
Current Stock:
Estimated Delivery by: | Fastest delivery by:
Adding to cart… The item has been added
Buy ebook
Ummad wal oo dunida ku uumani waxa ay leedahay dhaqan iyo hidde u baadisooc ah, kaasi oo ay kaga duwan tahay, islamarkaana kaga geddisan tahay ummadaha kale ee dhiggeeda ama faceeda ah. Dhaqankaas iyo hiddahaasi waa qaar la kala dhaxlo oo uu jiil ba jiil ka soo gaadhay, waxa aanay isugu jiraan kuwo la taaban karo oo la arki karo sida huga, agabka cuntada, agabka dagaalka, iwm iyo qaar aan la taaban Karin, lana arki karin, kuwaas oo aynu ka xusi karno luqada, suugaanta, xeerarka bulsheed, hees-dhaqameedka iyo qaar kale oo la hal maala. Hadda ba, ummadda afka Soomaaliga ku hadasha oo ka mid ah dadyowga dunida guudkeeda ku nool ee leh dhaqanka iyo hiddaha facaweyn ee soojireenka ah, ayaa waayadan danbe si aad ah uga sii farabaxaysay dhaqanka iyo hiddahaas ay gaarka ku tahay, kuna suntan tahay, taasi oo aynu sabab uga dhigi karno magaalooyinka batay iyo isdhexgalka bulsheed ee ay Soomaalidu la yeelatay ummadaha tirada badan ee ku nool dunida korkeeda; sida oo kale ku baraarugsanaan la'aanta dhaqan ee dawladaha ka taliya dhulalka Soomaalida, ayaa iyaduna qayb weyn ka ah lumidda iyo khataraha ku xeeran dhaqankii iyo hiddihii billaa ee dadka Soomaalidu gaarka u lahaayeen. Dhibtaas jirta awgeed ayaana uu diiwaankani u curtay. Buuggan waxa aynu u qaybin doonnaa laba waaxood oo waaweyn, kuwaasi oo ta hore ay ka hadli doonto, kuna ururinayno hees-hawleedkii soojireenka ahaa ee ay ummadda afka Soomaaliga ku hadashaa dhaxalka u lahayd, una adeegsan jireen is-dhaafinta iyo isku illowsiinta hawl-maalmeedka kala geddisan ee ay ku foogan yihiin, hadday tahay heesihii xoolaha, beer-falashada, rarista iyo dhaanka awrta, samaynta rarada aqalka, lulista caanaha, mooyaha iyo midxinka, gabraaratada ama ugaadhsatada, kalluunka, dhismaha iyo xammaalista iyo qaar kale. Sida oo kale waxa qaybtan ku jiri doona hees-koolkoolineeddii hooyada iyo hees-carruureeddii ay dhallaanku ku madadaaloon jireen. Qaybta labaad ee diiwaanka, waxa aynu kaga hirqan doonnaa hees-ciyaareedka ka curta ciyaaraha kala duwan ee ay ummadda Soomaaliyeed dhaqan ahaanta u tumato, waxaana ku jira oo uu buuggu koobsanayaa ku dhawaad konton ciyaarood oo laga tunto deegaannada kala geddisan ee ay Soomaalidu deggen tahay, kuwaas oo aynu intooda badan ka bixin doonno warbixin guud oo ku saabsan goobaha laga ciyaaro, hababka loo ciyaaro iyo heesaha lagu qaado marka ciyaartaas iyada ah la aloosayo. Ugu dambayntii, sidkaas ballaadhan ee uu xambaarsan yahay awgeed, diiwaankani waxa uu kaydinayaa, islamarkaana badbaado u noqonayaa, in badan oo ka mid ah suugaan-dhaqameedkii ay Soomaalidu abka iyo hiddaha u lahayd. Sida oo kale, waxa uu qayb-libaax ka qaadanayaa kobcinta iyo weelaynta Afka Soomaaliga, waxaanu kor u qaadayaa aqoonta dhaqan iyo afeed ee da'yarta iyo cilmibaadhayaasha Soomaalida.


  • | Author: Khadar Daahir (Hayl)
  • | Publisher: CreateSpace Independent Publishing Platform
  • | Publication Date: Mar 01, 2018
  • | Number of Pages: 250 pages
  • | Language: Afrikaans
  • | Binding: Paperback
  • | ISBN-10: 1973711028
  • | ISBN-13: 9781973711025
Author:
Khadar Daahir (Hayl)
Publisher:
CreateSpace Independent Publishing Platform
Publication Date:
Mar 01, 2018
Number of pages:
250 pages
Language:
Afrikaans
Binding:
Paperback
ISBN-10:
1973711028
ISBN-13:
9781973711025